Home WARARKA Sarkaal Sare iyo Macallin iskuul oo Lagu Dilay Weerar ka dhacay Gobolka...

Sarkaal Sare iyo Macallin iskuul oo Lagu Dilay Weerar ka dhacay Gobolka Garissa ee dalka Kenya

9
0

Mas’uul sare oo ka tirsan maamulka deegaanka iyo macallin dugsi hoose ayaa lagu dilay habeenkii xalay weerar loo maleynayo inay geeysteen kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay degmada Hulugho, ee gobolka Garissa, taasoo sii kordhinaysa welwelka ku saabsan amniga ee gobolka waqooyi-bari ee Kenya.

Booliisku waxay sheegeen in labada qof, oo kala ahaa Sarkaalka Sare ee Degmada Boma iyo macallin aan kamid ahayn dadka deegaanka, lagu bartilmaameedsaday weerar habeenimo ah oo si xirfadeeysan looga fuliyey guryahooda.

Waxaa la rumeysan yahay in dadka weerarka fuliyey ay sameeyeen weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka hor inta aysan ka cararin goobta.

Dilkaasi wuxuu argagax geliyey bulshada deegaanka, iyadoo dadku ku tilmaameen dhacdadan inay tahay guuldarro amni oo weyn, gaar ahaan deegaan horey ugu jiray hanjabaadaha kooxaha hubeysan sababo la xiriira xuduuda u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in baaritaanno degdeg ah la bilaabay si loo ogaado duruufaha saxda ah ee weerarka iyo sidii loo soo qaban lahaa dadka ka dambeeyey.

Sidoo kale, ciidamo booliis dheeraad ah ayaa la geeyey gudaha iyo hareeraha degmada Hulugho si loo xoojiyo ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here