Xaaladda amniga ee Degmada Wadajir ayaa la soo sheegayaa inay si weyn u xumaatay waqtiyadii u dambeeyay, iyadoo ay jiraan cabashooyin ka imanaya shacabka oo ku saabsan dilal, dhac, iyo kooxo hubeysan oo dhibaato u geysta dadweynaha.
Xaaladda Amiga: Amniga degmada Degmada Wadajir ayaa lagu tilmaamay mid faraha ka baxay, iyadoo laamaha amniga ay qireen inuu yahay mid ka mid ah meelaha ugu amniga daran gobolka Banaadir.
Dhibaatooyinka Jira: Waxaa degmada ka dhaca dilal qorsheysan, boobka hantida dadweynaha, iyo weeraro ay geystaan kooxo hubeysan oo wata dareeska ciidanka, kuwaas oo loo yaqaano “ciyaal weerada oo dib ugu soo laabatay Degmada Wadajir gaar ahaan Tarabuush oo Dadka ay la kulmaan dhibaatooyin.
Ganacsiga iyo Nolosha: Amni darrada ayaa sababtay in ganacsiyo badan ay xirmaan, dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka uu yaraado salaadda maqrib kadib.
Sababaha loo aaneeyay: Waxaa la tilmaamay in ciidamada loo qoray suggidda amniga ay ku mashquuleen hawlo kale, ama aanay ku filnayn, taas oo keentay in kooxo burcad ah ay ku dhumaleystaan xaafadaha.
Xaaladda ayaa u baahan indha-indheyn joogto ah iyo in la xoojiyo sugidda amniga si shacabka ay u dareemaan nabadgelyo.
Shacabka ayaa sidoo kale booliska degmada ka dalbaday, in kaalin muuqato ay ka qaataan arrintan, iyo mida ku wajahan dhaca xilliya.



