Shacabka ku dhaqan tuulooyinka Jameeco iyo Nabaaxiga ee Degmada Xawaadley ayaa wajahaya xaalad aad u adag oo dhanka nolosha ah, kaddib markii ay ka barakaceen deegaanadooda, sababo la xiriira dagaalladii ka dhacay halkaas.
Shacabkan barakacay ayaa u qaxay tuulooyin ku yaalla dhanka Waqooyiga, kana baxsan Degmada Xawaadley. Qaar kamid ah dadka aan la xiriirnay ayaa sheegay in ay soo food saartay xaalad caafimaad oo aad u daran, gaar ahaan carruurta oo la il-daran cudurro ay ka mid tahay shuban-biyoodka iyo nafaqo-darro.
Sidoo kale, barakacayaashu waxay wajahayaan baahi degdeg ah oo dhinacyada ah hoy, biyo nadiif ah, cunto iyo adeegyo caafimaad, iyadoo aysan jirin gargaar ku filan oo weli soo gaaray. Dadka deegaanka ayaa ugu baaqay hay’adaha gargaarka iyo dowladda in si degdeg ah loo gaarsiiyo kaalmo bani’aadannimo si loo badbaadiyo nolosha dadka tabaaleysan.
Madaxda dowlada soomaaliya ayaan ilaa iyo hada wax u qaban Dadkaas ku nool Degaanno hoos taga Degmada Xawaadley ee shabeelaha dhexe.



