Home WARARKA Shacabka ku nool Degmada jowhar oo Dhibane u ah Al-Shabaab

Shacabka ku nool Degmada jowhar oo Dhibane u ah Al-Shabaab

21
0

Xaalad Quus ah ayaa ka Tagaan magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle iyadoo ay istaageen Baabuurtii Ka shaqeyn jirtay Gudaha magaalada jowhar iyo Banaankeeda ka Dib markii Al-Shabaab ay ku soo rogeen xanibaadyo Baabuurtii shidaalka qeyn jirtay magaalada Jowhar.

Al-Shabaab ayaa wadda u galay isla markaana xanibaadyo ku soo rogay Baabuurtii shidaalka geyn jirtay jowhar kuwaa oo shidaalka ka soo qaadi jiray magaalada muqdisho ee caasimada Dalka.

Cabasha xoogaan ayaa ka soo yeereysa Gaadiidleyda ku nool magaalada jowhar,waxana ay ka cabanayaan qiimaha shidaalka oo kordhay ka markii ay ay ku soo rogeen lacago dheeraad ah.

Sidoo kale waxaa istaagay Gaadiidkii ka shaqeyn jiray Gudaha magaalada jowhar iyo Banaankeeda.

Ma jirto ilaa iyo hada wax madax ah oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo ka hadalay xaalada ka taagan maagalada jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here