Home WARARKA Shacabka Muqdisho oo ka cabanayo Lacago xad dhaaf oo xoog looga qaadayo

Shacabka Muqdisho oo ka cabanayo Lacago xad dhaaf oo xoog looga qaadayo

16
0

Dadka xaafadaha magaalada Muqdisho degan ee u tabarta la’ bixinta canshuurta wasaarada maaliyadda iyo tan garab socota ee degmooyinka sida dadban u qaadaan, waxaa u soo kordhay in si khasab ah ay ku bixiyaan lacago kale oo lagu sheegay in wadooyinka xaafadahooda lagu dhigaayo dhagaxa interlock ah. oo dhibaato iyo culays ku ah dadweyne ayaga dawladooda ka sugaya kaalmada nololeed?

Haddii gudoomiyayaasha degmooyinka iyo shirkadaha dhigaya dhagaxa interlock-ga ay ayagu yihiin kuwa abaabulaya, heshiiskana ku ah in dadka lagu khasbo in ay bixiyaan lacag ka badan tan la fili karo, waxaa muhiim ah in la fahmo sababaha ay mas’uuliyiintaa sidaa u yeeleen.

Waxaa meesha ka soo baxi kara uguna wayn waa damaca danleey adeegsanaysa awooda dawladda oo u gefaya maqaamka mas’uuliyadeed ee ay dadweynaha ugu adeegi lahayeen.

Maamulka gobolka Banaadir iyo dawladda hoose indhaha kama xirna kamana hadlaan, waxaaba dhacda inay xarrigga ka jaraan waddo lagu dhagax dhigay dheecaanka dadka tabarta yar ee xaafadaha isku raranta degan.

Dadkaa tabarta yar shaqana aan haysan, looguna goodinaayo xarig iyo in guriga albaabkiisa laga furaanaayo, waxaa ka mas’uul ah dawladda hoose oo ay ka sugayaan in ay u horumariso, u dayactirka, ka kaafaala qaado dhismaha dhagaxa Interlock ah ee lagu ijbaaray.

Shacab masaakiin ah oo la dagaalamayo nolol maalmeedkooda ayaa lagu cadaadinayaa in ay bixiyaan Lacag gaareysa 1,000 ilaa 2,000 Kun dollar oo lagu dhigayo Interlock Hadde Ogow lacagaha wadooyinka ee Interlock-ga waxaa bixiyo Hay’addo Caalami ah waxaana la sheegay in lacagahaas ku dhacaan Akoono gaar ah.

Shacabka taabaaleysan ayaa sheegay in la handadayo oo gudoomiyayaal degmo ugu hanjabayaan in hadii ay keeni waayaan lacagahaas Xabsi la dhigaayo Sida horey u dhacday oo kale. Dadka qaar ayaa u sheegay warbaahina iyagoo Murugeysan in aysan heli karin 2,000 Dollar & Wax u dhow.

Xanuunka ugu wayn ee maanta dadweynaha caasimadda noloshooda saamaynta ku leh waa in jeebadahooda laga raadiyo lacag aan loo dhiiban, lacag aan shaqo uu ka keeno la siin iyo lacag loo xiraayo haddii laga waayo.

Haddii dawlada hoose iyo tan dhexeba aysan qaadin mas’uuliyad ku filan oo ku aaddan ilaalinta xaaladaha nolosha dadka caasimadda iyo ka jawaabidda dhibaatada soo foodsaartay, waxay tani keeni kartaa kalsooni daro, walaac iyo noloshoo sii gaabisa.

Waxaa shaqayn kara muhiimna ah in dadku walaacooda iyo cabashadooda nabad ku muujiyaan, dawladda hoose iyo tan dhexana dhug u yeeshaan dareenka bulshada ay mas’uuliyadeeda qaadeen, kuna qancin karaan hubinta in cadaalad loo helo kharashyada badan ee aan canshuuraha ahayn ee dhabar jebinaya noloshooda.

Quruxda wadooyinka ka hor ma laga Fikiray Jeebka Aabaha & Hooyada Danta yar ee korinaya Caruurta Kiradana laga rabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here