Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Tacadiyo u geesta Shacabka ku nool magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya,Taas oo dhibaato ku ah nolosha Dad badan.
Mid ah Dadka ay dhibaateeyeen Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Yiri”’ Aniga waxaan ahay Abe u xaamasaha ilmo yar yar waxaan waxa ku iibiya wadooyinka magaalada muqdisho si aan u helo nolol maalmeedkeeyda, waxaa dhacada xiliyada qaar Aniga oo aan haysan wax aan ilmaha u dirsado in ciidamada i xertaan mudo aan iska xernaado, ka dibne ilmaha ay waayaan wax ay cunaan wana dhibato ka jirto muqdisho.
Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Majiro cid naga gabaneyso waxaa moodaa in ay is ogyihin kuwa wax qabana iyo madaxda ugu sareysa ayuu sii raaciyay.
Awood u sheegashada shacabka magaalada muqdisho ayaa bilihii ugu Dambeeyay aad u soo kortay Ka dib markii Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay qaarkood bilaabeen in Dadka ay lacago baad ah ka qaadaan.
Dad badan ayaa qaba in hadii xaalka muqdisho sidaan sii ahaado Dad Badan ay ka qaxidoonaan.



