Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka dagay garoonka magaalada Kismaayo, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa uga hortagay garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, halkaas oo lagu qabtay munaasabad soo dhaweyn ah.
Shariif oo kamid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ka qayb-galaya shirka Kismaayo ee furmi doono maalinta berri ah, kaas oo ay sidoo kale tegi doonaan xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Hoggaamiyaha Madasha Samatabixinta ayaa inta uu joogo Kismaayo shirar gaar gaar ah la geli doono madaxda Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta isugu tegaya magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Sida qorshuhu yahay Golaha Mustaqbalka ayaa shirkan kaga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyaga oo ka soo saari doona go’aanno, xilli ay bilooyin kooban ka harsan tahay muddada xil-heynta Madaxweyne Xasan Sheekh.
Shirweynaha Kismaayo ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu noqdo kii ugu weynaa ee mucaaradku qabtaan, waxaana la filayaa in siyaasiyiin kale oo aan xubno ka ahayn golaha ay ka qeybgalaan.
Waxaa kale qorshuhu yahay in shirkan looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelintooda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhawaan goluhu si cad u sheegay in ay ka soo horjeedaan muddo-kororsi loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus ka soo saaray arrintaas.








