Home WARARKA Shiinaha oo canshuur dhaaf u samaynaya badeecadaha ay u dhoofiyaan 53 dal...

Shiinaha oo canshuur dhaaf u samaynaya badeecadaha ay u dhoofiyaan 53 dal oo Afrikaan ah

5
0

Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in ay hirgelin doonto nidaam canshuur dhaaf loogu samaynayo badeecadaha ay dalkiisa u dhoofiyaan 53 dal oo Afrikaan ah, kuwaasi oo uu la leeleeyahay xidhiidho diblomaasiyadeed, laga bilaabo 1-da May 2026.

Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa Sabtidii baahisay in tallaabadan ay qayb ka tahay xoojinta iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Shiinaha iyo qaaradda Afrika.

Warbixinta telefishinka dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in Shiinuhu sii wadi doono dadaallada ku aaddan wada-xaajoodka iyo saxiixa heshiisyo iskaashi dhaqaale oo wadajir ah, isla markaana uu ballaadhin doono suuq-geynta badeecadaha Afrika loo dhoofiyo Shiinaha.

Arrintan ayaa lagu fulin doonaa hannaan la casriyeeyay oo ay ku jirto nidaamka loo yaqaan “green channel” oo fududeeya gelitaanka suuqyada.

Shiinaha ayaa ah lammaanaha ganacsi ee ugu weyn ee ay Afrika leedahay, wuxuuna door muhiim ah ka ciyaaraa maalgelinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee qaaradda, gaar ahaan kuwa hoos yimaada hindisaha caalamiga ah ee loo yaqaan Belt and Road Initiative. Hindisahan ayaa Shiinaha u suurtogeliyay in uu saameyn ballaadhan ku yeesho horumarka dekedaha, waddooyinka, tareennada iyo tamarta ee dalal badan oo Afrikaan ah.

Canshuur dhaafka cusub ayaa lagu dabaqi doonaa dhammaan dalalka Afrika marka laga reebo Eswatini, oo ah dalka keliya ee qaaradda ku yaalla ee weli xidhiidh diblomaasiyadeed la leh Taiwan. Shiinaha ayaa Taiwan u arka qayb ka mid ah dhulkiisa.

Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa sannadihii u dambeeyay sii xoojinayay xidhiidhkooda ganacsi ee Shiinaha iyo quwadaha kale, kadib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sannadkii hore ku soo rogay canshuuro culus badeecado badan oo caalamka laga keeno dalalkan. Tallaabadaas ayaa saameyn ku yeelatay isu-socodka ganacsiga adduunka.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in heshiiskan canshuur dhaafka ahi “uu shaki la’aan abuuri doono fursado cusub oo horumarineed oo Afrika ah.” Hadalkan ayuu ka jeediyay xilli hoggaamiyeyaasha Afrika ay ku shirsanaayeen caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, intii uu socday shir-madaxeedka sanadlaha ah ee Midowga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here