Home WARARKA Shir Lagu Xoojinayo Iskaashiga Amniga iyo Bulshada oo Ka Qabsoomay Kismaayo”

Shir Lagu Xoojinayo Iskaashiga Amniga iyo Bulshada oo Ka Qabsoomay Kismaayo”

130
0
Saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo waxaa ka qabsoomay shir muhiim ah oo lagu xoojinayey iskaashiga hay’adaha amniga iyo bulshada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray wacyigelinta iyo ka hortagga anshax-xumada.
Shirka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Kismaayo, Mudane Najiib Bare Salaad, ayaa waxaa ka soo qayb galay saraakiil ka tirsan laamaha amniga, guddoomiyeyaasha xaafadaha, iyo culimada magaalada Kismaayo.
Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah loo xusay muhiimadda ay leedahay in culimada magaalada ay door firfircoon ka qaataan wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhalinyarada, si looga hortago anshax-xumada iyo falalka lidka ku ah nabadda iyo dhaqanka suuban.
Culimada kulanka ka qeyb gashay waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay si joogto ah uga shaqeeyaan baraarujinta bulshada, iyagoo adeegsanaya masaajidda, goobaha waxbarashada, iyo xarumaha bulshada, si loo abuuro bulsho wacyi leh, kana fogaata ficillada wax u dhimaya anshaxa iyo nabadgelyada.
Dhanka kale, saraakiisha amniga ayaa ballan qaaday inay sii xoojin doonaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin bulshada, ayna dardar gelin doonaan howlaha lagu sugayo amniga xaafadaha.
Shirka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad guud iyo ballanqaadyo la xiriira sidii loo mideyn lahaa dadaallada amniga iyo anshax-wanaagga ee degmada Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here