Home WARARKA Shir madaxeedka EAC oo maanta ka furmaya Magaalada Caruusha ee Tanzania

Shir madaxeedka EAC oo maanta ka furmaya Magaalada Caruusha ee Tanzania

4
0

Magaalada Caruusha ee Dalka Tanzania waxaa maanta ka furmaya meertada 25aad ee shir madaxeedka Dalalka ku bahoobay Dalladda Bulshada Bariga Afrika, waxaa madaxda ka qaybgalaysa kamid ah Madaxweynaha DFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka inta uu socdo waxaa dhinac soconaya kulamo gaargaar ah oo ay yeelanayaan Madaxda kala duwan ee EAC iyaga oo kawada arrinsanaya dhowr ajande oo miiska saaran kuwaas oo saamayn ku leh Mustaqbalka Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeedin doonno shirkaan isaga oo ka hadli doonna doorka Soomaaliya ee qodobada miiska saaran, ka qaybqaadashada horumarinta Dalladdaas waa marka la eego dhinaca Dowladda Federaalka.

Siddeeda Madaxweyne ee Shirkaan EAC ka qaybgalaysa ayaa kala ah Madaxweyneyaasha Tanzania, Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Democratic Republic of Congo & Somalia waxaana mas’uul weliba uu ku qoran yahay khudbad sida jadwalka ku xusan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here