Waxaa maanta magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia, ka qabsoomay kulan u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka iyo xubnaha Mucaaradka, kaas oo lagu lafaguray xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka.
Kulankan oo saacado badan qaatay, ayaa diiradda lagu saaray qodobbo masiiri ah, iyadoo labada dhinac ay isku afgarteen in la sii wado wadahadallada si xal looga gaaro kala aragti duwanaanshaha jira.
Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii kulanka ka qayb-gashay ayaa sheegay in diiradda lagu saarey doorashada.
“Doorashooyinka heer Federaal iyo Dowlad goboleed ayaan ka wada hadalnay, waxaa lagu ballamay in berri la isku soo laabto,” ayuu yiri Xildhibaanka.
Sidoo kale, wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in kulamada berri iyo kuwa xiga lagu soo qaadi doono arrinta xasaasiga ah ee Wax ka bedelka Dastuurka, taas oo la filayo in isfahan ballaaran laga gaaro si looga gudbo caqabadaha hortaagan dhammaystirka dastuurka qabyada ah.



