Home WARARKA Shuute “Sharcigu ma yaqaano kan waa Mucaarad & kanna waa Muxaafid”

Shuute “Sharcigu ma yaqaano kan waa Mucaarad & kanna waa Muxaafid”

5
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida, Gaashaanle Sare, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa digniin u diray Ciidamada labada heer ee ku sugan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Shuute ayaa ka digay in lagu dhaqaaqo aargudasho, beegsi iyo abuurista wax weliba oo dhalin kara fal dambiyeed haddii laga dhega furaysta arrintaasina waxa uu sheegay in gacmaha sharciga uu gaari doonno cid weliba oo arrrintaas samaysa.

Waxa uu ciidamada iyo saraakiisha faray in ay joogaan meelaha loo cayimay ilaa inta uu kasoo baxay amar kale, waxa uu xafiiska Xeer ilaalinta iyo saraakiisha kula dardaarmay in ay kor joogteeyaan arrimahaan si loo dhaqangeliyo awaamiirta soo baxday.

“Ma jirto cid laga adkaaday & Cid adkaatay, waxaa Askarta looga baahan yahay in ay ilaaliyaan Sharciga kana fogaadaan wax weliba oo fal dambiyeed dhalinaya” sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee CQS, Xasan Cali Nuur Shuute.

Saraakiisha ugu sarraysa Ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka oo ay wehliyaan kuwa Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa kulamo lagu xoojinayo amniga Magaalada Baydhabo oo dhowaan isbaddel cusub gashay ku yeeshay Magaaladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here