Waxaa sare u kac laga dareemayaa qiimaha shidaalka ee suuqyada magaalada Bosaso, iyadoo sicirka fuustada shidaalka uu si muuqata uga kordhay qiimihii shalay.
Sicirka Shidaalka ee Shalay:
Fuusto Naafto: $116
Fuusto Batrool: $142
Sicirka Shidaalka ee Maanta:
Fuusto Naafto: $138
Fuusto Batrool: $160
Kororka qiimaha ayaa muujinaya sicir barar degdeg ah, iyadoo fuustada naaftada ay kor u kacday $22, halka batroolkuna uu kordhay $18 hal maalin gudaheed.
Wararka ganacsatada iyo falanqeeyayaasha suuqa ayaa tilmaamaya in kororkaasi uu si toos ah ula xiriiro xiisadaha iyo dagaallada ka socda Bariga Dhexe, kuwaas oo saameyn ku yeeshay sahayda iyo gaadiidka shidaalka ee caalamka.
Isbeddelkan qiimaha shidaalka ayaa la filayaa inuu saameyn ku yeesho qiimaha gaadiidka, raashinka iyo adeegyada kale, maadaama shidaalku laf-dhabar u yahay dhaqaalaha iyo ganacsiga gudaha.
Bulshada iyo ganacsatada ayaa si dhow ula socda sida uu xaaladdu isu beddeli doonto maalmaha soo socda.



