Home WARARKA Siyaasadda Arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa ka muuqda eedeymo la xiriira qaraabo-kiil

Siyaasadda Arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa ka muuqda eedeymo la xiriira qaraabo-kiil

9
0

Siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa ka muuqda eedeymo la xiriira qaraabo-kiil iyo magacaabis ku saleysan xiriir shakhsiyeed.

Zubeida Xasan Sheekh, oo ah gabadha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhowaan loo magacaabay La-taliye (Counsellor) iyo La-taliye Sharci oo ka tirsan Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, inkastoo aysan lahayn waayo-aragnimo hore oo dowladeed ama hay’ad caalami ah hadana maanta waa siyaasiyinta laga sugayo horumarinta siyaasada arimaha dibadda soomaaliya.

Sidoo kale, Mushtaaq Daahir Xasan, oo ah walaasha Kamaal Daahir Xasan (Kamaal Guutale)—oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha—ayaa iyaduna ka mid ah shaqaalaha diblomaasiyadeed, taas oo sii xoojinaysa doodda ku saabsan saameynta qaraabonimada ee siyaasadda Arrimaha dibadda.

Halkas marka ay marayso madaxwyanaha Waqtigiisa sii dhammanayo ee Xasan sheekh dalka ayuu difaacayaa:

-Arimaha dibada Jihaan iyo Subayda ayuu wataa
-Amniga Maslax iyo Abdifataax ayuu ku aaminay
-horumarinta dalka igaarka uu sodoga u yahay ee Adam Rooble ayuu u dhiibtay
-Qandaraasyada waawayna wiilkiisa Abdiqani xasan ayuu u wakiishay

Marka laga reebo gaashaanle serbia maslax oo khibrad yaroo ciidana leh inta kale ma jiro qof leh xirfad ama khibrad ku aadan shaqada ay hayaan, wixii Soomaali aqoonyahan ahaa ee dal iyo dibad joogay waxa uu ka doortay xasan sheekh in caruurtiisa caanaha guriga kasoo shaqeestaan dowlada iyagoo isku ballaariyay xafiisyo aanu waligood ku fekirin inay fariistaan sidaas waaxaa qabaar qaa ka mid ah shacabka soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here