Somaliland ayaa si adag u cambaareysay hadallo shalay ka soo yeedhay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, kuwaas oo uu kaga horyimid aqoonsiga Somaliland, iyadoo ku tilmaantay faragelin aan la aqbali karin oo lagu carqaladeynayo xidhiidhada ay la leedahay waddamada gobolka iyo kuwa caalamka.
War-saxaafadeed ay soo saartay Xukuumadda Somaliland ayaa lagu sheegay in go’aannada siyaasadda dibadda ee dalalka Geeska Afrika ay tahay inay go’aamiyaan dowladaha iyo shucuubta gobolka, isla markaana aan loo oggolaan karin in loollan shisheeye loo soo raro gobolka si loo wiiqo xasilloonida iyo iskaashiga.
“Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u cambaaraynaysaa hadalladii u dambeeyay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, kuwaas oo ay u aragto faragelin aan la aqbali karin oo lagu carqaladaynayo xidhiidhka ay Somaliland la leedahay saaxiibadeeda iyo dalalka gobolka.”
Hadalka Somaliland ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Turkiga uu Addis Ababa ka sheegay in aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland aanu wax faa’iido ah u lahayn Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Erdogan, oo hadalkan ka jeediyay shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa ku dooday in dalalka gobolka ay iyagu xal u helaan dhibaatooyinkooda, isla markaana Geeska Afrika aan loo rogin “goob ay ku loolamaan quwadaha shisheeye.”
Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in Turkigu uu muhiimad siinayo madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka, isla markaana aanu doonayn in colaado iyo dhibaatooyin hor leh lagu sii kordhiyo gobol horeyba uga jirto xasillooni darro.
Dhankeeda, Somaliland ayaa ku adkaysatay in xidhiidhada ay la yeelanayso dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ay yihiin kuwo nabad ah, sharci ku dhisan, kana tarjumaya rabitaanka dimuqraadiyadeed ee shacabkeeda. Waxay ugu baaqday Turkiga inuu ixtiraamo mabaa’di’da is-qaddarinta, faragelin la’aanta, iyo xaqa ay Somaliland u leedahay inay ka tashato mustaqbalkeeda siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed.
“Somaliland waxay xaq u leedahay in ay si madax-bannaan ula macaamisho cid kasta oo ay dan u aragto, iyada oo ku salaynaysa maslaxaddeeda qaran iyo rabitaanka shacabkeeda.”



