Somaliland ayaa ka hadashay hadallo iyo warar soo baxayey oo ku aadan in aqoonsiga Israa’iil aqooonsatay Somaliland ay dano gaar ah ku wadato, in kasta oo Somaliland iyo Israa’iil aysan si furan u soo bandhigin waxa uu midba kan kale ka doonayo ee xiriirkan iyo aqoonsigan uu ku helayo.
Warbaahinta iyo dadka falanqeeya arrimaha diblomaasiyadda iyo siyaasadda waxay hadal hayaan laba qodob oo Israa’iil dan u ah; In Israa’iil dooneyso in ay saldhig ku yeelato marinka badda cas si ay isaga ilaaliso khatarta kaga imaanaysa Xuutiyiinta
Jaamacadda carabta ayaa ku doodaysa inuu ku jiro qorshe ay Israa’iil waddo oo ah in ay hesho dhul la dejiyo falastiiniyiinta ka dib marka laga soo musaafuriyo dhulkooda.
Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdiraxmaan Xasan ayaa sheegay in heshiisku yahay mid diblomaasiyadeed oo aanay ku jirin in arrin deegaameyn la xiriirta “Dad raba inay Somaliland sumcadeeda hoos u dhigaan ayaa wada, arrintaas meel looga wada hadlay iyo cid isku soo hadal qaaday ma jirto dooddaasna ma taagna”.
Waxa uu intaas ku daray sidoo kale in aysan jirin arrin ku saabsan in Israa’iil saldhig Militari ka dhisan doonto deegaamadaas “arrintaasi lafteedu waa mid aan meesha ku jirin oo aan la isku soo hadal qaadin, sida aan filayo waa arrin la doonayo in lagu waxyeeleeyo damaashaadka iyo farxadda ictiraafka” ayuu yiri.
Agaasimaha ayaa adkeeyey in Falastiiniyiintu xaq u leeyihiin inay ku noolaadaan dhulkooda, isla markaana xal kasta oo waara uu ku imaan karo oo keliya wada-hadal siyaasadeed oo caddaalad ku dhisan, halkii laga qaadi lahaa dad dhan oo laga dejin lahaa dhul kale.



