Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Somaliland ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Israa’iil, Gideon Sa’ar, iyo wefti uu hoggaaminayay, oo maanta booqasho ku yimid Somaliland.
Madaxtooyada Somaliland oo faahfaahin ka bixisay safarka ayaa sheegtay in ugu horayn Madaxweynuhu uu uga mahadceliyay Dawladda iyo Shacabka Israa’iil aqoonsiga Somaliland, isaga oo tilmaamay in tallaabadan ahayd mid geesinimo ah oo saameyn diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo horumarineed ku leh Somaliland, Geeska Afrika, iyo guud ahaan caalamka.
Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale sheegay in aqoonsiga Israa’iil uu xoojinayo doorka Somaliland ee ilaalinta nabadda, xasilloonida, dimuqraadiyadda, xorriyatul-qowlka iyo iskaashiga labada dhinac, sidoo kalena uu fursado cusub u abuuri doono maalgashiga, ganacsiga, horumarka tignoolajiyada, tamarta, biyaha, macdanta, beeraha, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar, ayaa sheegay in Dawladdiisu ay ku faraxsan tahay aqoonsiga buuxa ee ay siiyeen Somaliland, islamarkaana ay diyaar u tahay in xidhiidh dhow oo faa’iido u leh labada dhinac iyo shacab. Wasiirku waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay in go’aankan uu ku saleysan yahay “xaqa aaya-ka-tashiga ummadda reer Somaliland, danaha amniga, iyo xasilloonida gobolka.”
Sida lagu sheegay warka kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland, booqashadan oo ahayd tii ugu horraysay ee Wasiir Arrimo Dibadeed ku yimaaddo Somaliland muddo 34 sano ah, ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah, isla markaana xambaarsan miisaan diblomaasiyadeed, macno istiraatijiyadeed, iyo nuxur amni oo muhiim ah.
Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Somaliland ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israa’iil u xaqiijiyey in Somaliland ay tahay saaxiib la isku hallayn karo, kuna taallo goob istiraatiji ah oo muhiim u ah mustaqbalka nabadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka, sida markale lagu sheegay qoraalka madaxtooyada.



