Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Khamiistii u diray 10 xildhibaan gobollada Awdal iyo Salal, halkaas oo uu si goos-goos ah uga dhacay dagaal beeleed salka ku haya muran dhuleed.
Dagaal beeleedkan ayaa ka dhashay muran la xidhiidha buugga Xeer Ciise, kaas oo mid ka mid ah beelaha wada daga gobolka Salal ay diideen in lagu soo bandhigo magaalada Saylac. Murankaasi ayaa markii dambe isu beddelay khilaaf dhuleed oo u dhexeeya bulshada gobolladaas, taas oo khatar gelisay amniga guud iyo isu socodka dadweynaha.
“Laba reer oo is dilay ma aha arrin fudud, idinkuna in aad nabad waarta ka dhex dhalisaan waan idiinku ducaynayaa. ku guuldaraysan maysaan, u diyaargarooba uun in ay marka hore idinku yara adkaadaan. Weli lama arag reer Soomaaliyeed oo guurti diiday,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.
Dhanka kale, wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa safar ugu baxay gobollada Awdal iyo Salal, halkaas oo ay kula kulmeen qaar ka mid ah odayaasha labada beelood ee ay colaadu ka dhex taagan tahay.
Weftigan waxa ku wehelinaya Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka, Abaanduulaha Ciidanka Qaranka, Taliyaha Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska, iyo masuuliyiin kale.
“Weftigan ayaa inta ay joogaan gobolladaas waxa ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada,” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Dhanka kale, beesha Bariga Burco ayaa xalay soo saartay baaq ay ugu baaqayso beelaha ay colaadu ka dhex taagan tahay in ay hubka dhigaan, isla markaana ay miiska wada hadalka isugu yimaadaan. Waxay sidoo kale sheegeen in ay door weyn ka qaadan doonaan nabadaynta gobolladaas.



