Xafiiska Wakiilka Taiwan ee Somaliland ayaa soo saaray warbixin rasmi ah oo uu kaga jawaabayo hadal uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku duray qadiyada Taiwan, kadib wareysi uu siiyay telefishinka CGTN 21-kii Diseembar 2025.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu wareysigaas ku sheegay in Shiinuhu leeyahay awood militari oo uu “dib ugu soo celin karo” Taiwan, hadalkaas oo Xafiiska Taiwan uu ku tilmaamay mid aan waaqica ka tarjumayn iyo xaaladda dhabta ah ee ka taagan mandiqadda.
Xafiiska Wakiilka Taiwan wuxuu sheegay in Taiwan ay tahay dal madax-bannaan oo leh qaranimo buuxda, isla markaana aanu jirin xirdhiidh hoosaad oo u dhexeeya Taiwan iyo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha (PRC).
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in ilaalinta xorriyadda, amniga, nabadda iyo xasilloonida gobolka Indo-Pacific ay tahay arrin caalamku uu si guud ugu heshiiyay, waxayna sheegtay in tallaabooyin militari oo hal-dhinac ah oo Shiinuhu qaado ay khatar ku noqon doonaan xasilloonida gobolka iyo tan caalamkaba.
Sidoo kale, Xafiiska Taiwan ayaa ku boorriyay dowladda Soomaaliya in ay xoogga saarto horumarinta arrimaheeda gudaha iyo mudnaanta qarankeeda, halkii ay ku lug yeelan lahayd loollan siyaasadeed oo caalami ah, wuxuuna xusay in hadallada colaadeed ay wiiqayaan kalsoonida iyo nabadda caalamiga ah.
Ugu dambayn, warbixintu waxay sheegtay in Taiwan ay sii wadi doonto garab istaagga qiyamka dimuqraadiyadda, nabadda iyo xasilloonida, isla markaana ay la shaqayn doonto saaxiibadeeda diblomaasiyadeed iyo dalalka ay isku aragtida yihiin, si loo ilaaliyo xasilloonida mandiqadda iyo tan caalamka.
Madaxweyne Xasan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay aad uga soo horjeedo madaxbannaanida Taiwan, isla markaana ay taageersantahay doonista Shiinaha ee ah in uu dib ula wareego jasiiradan qaniga ah.



