Dalka Koofur Afrika gaar ahaan magaalada Johannesburg waxaa ka dhacday toogasho wadareed lagu dilay ugu yaraan 9 qof halka lagu dhaawacay in ka badan 10 ruux sida ay ku warrameen saraakiil katirsan hay’adaha ammaanka Dalkaas.
Koox aan la aqoonsaday ayaa weerartay Goob Maqaaxi ah oo ay ku sugnaayeen inta badan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, waxa uu Booliisku tilmaamay in Kooxdaas ay wadatay Gaari lagu daba joogo sida uu hadalka u dhigay.
Weli lama shaacin Magacyada Dadka dhintay, kuwa dhaawaca ah, Inta Ragga ah, haddii ay Haween ku jiraan, sababta loo beegsaday Goobta Maqaaxida ah, Haddii ay ku jiraan Ajaanib iyo su’aalo kale oo dadku is weydiinayaan.
Kooxaha Qaranka ee dabagalka dambiyada ayaa ku raad-jooga dabagalka xogta Gawaarida ay wateen xubnaha ilaa haatan aan la aqoonsan ee weerarkaan fuliyay isla markaana sababay dhimashada iyo dhaawaca badan.
Waxaa dib loo raacayaa Kaamirooyinka ku xiran waddooyinka iyo xaafadaha si loo helo halkii Gawaarida weerarka lagu fuliyay kasoo baxeen, sidoo kale waxaa la baarayaa rasaasta dadka qaar jirkooda gashay sida warbixinnadu sheegayaan.
Bilaha u danbeeya sanadka, waxaa Dalka Koofur Afrika ku kordha dilalka tooska ah, weerarrada ka dhanka ah Ajaanibta, boobka Goobaha Ganacsiga iyo jidadka loo galo Gawaarida ay wataan dadka aanay u dhalay Dalkaas ee Magaalooyinka isaga kala gudba.



