Home WARARKA Trump oo weerar Afka ah ku qaaday Soomaalida & Ilhaan Cumar oo...

Trump oo weerar Afka ah ku qaaday Soomaalida & Ilhaan Cumar oo jawaab ka bixisay

1
0

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa weerar Afka ah ku qaaday Soomaalida isaga oo khudbad ka jeedinayay Aqalka Congress-ka ee Capitol Hill, waxa uu Bulshada Soomaaliyeed ee dalkiisa joogta gaar ahaan Minnesota ku eedeeyay in ay ku kaceen Musuq.

Donald Trump ayaa xarunta Congress-ka ka dhex sheegay in dagaalka Dowladdiisa ay la gashay arrintaas oo si toos ah u taabanaysa Soomaalida uu u xilsaaray ku xigeenkiisa JD Vance si uu u hoggaamiyo howlgalladaas ka dhanka ah wax is dabamarinta sida uu yiri.

Carrabka ayuu ku dhuftay in uusan jirin tusaale musuq oo ka daran kan ka dhacay Minnesota, waxa uu ku goodiyay in maamulkiisa uu qaadayo tallaabooyin adag oo wax looga qabanayo arrintaas oo bar madow ku noqotay Maraykanka sida uu hadalka u dhigay.

Trump ayaa amar ku bixiyay in xoogga la saaro la dagaalanka soogalootiga sharci darrada ah, dad uu ku tilmaamay in ay caadaysteen musuq iyo kuwo kale oo horumarka dalkiisa dib u dhigaya waa sida uu ku xusay khudbaddiisa.

Rag uu ku sheegay in ay katirsan yihiin ama yihiin Burcad Badeed ayuu khudbaddiisa ku shaaciyay in ay gudaha Dalka Maraykanka soo galeen, wax aan indhaha laga qarsan Karin ayuu ku tilmaamay dadkaas oo lacago badan dhacay sida uu yiri

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo isku darsatay in asal ahaan kasoo jeeddo Soomaaliya iyo in laga soo doorto Gobolka Minnesota ayaa ku qaylinaysay ‘Beenaale, Beenaale’ & ereyo kale oo ka dhan ah eedaha Donald Trump ee ka dhanka ah Bulshada Soomaaliyeed ee Gobolkaas.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa Trump iyo xisbigiisa ku eedeeyay in ay beegsanayaan Bulshada horumarka ganacsi gaarsiiyay Gobolka Minnesota oo dhaqaale badan kasoo gala Dowladda, waxa ay ka digeen tallaabooyin ka dhallan kara howlgallada lagu beegsanayo Dadkaas.

Trump & Ilhaan ayaa isku karan, waxa ay is dhaafsadaan hadallo aan baraxnayn iyada oo dhinacba dhanka kale ku dhaliilo siyaasadaha adag uu adeegsanayo, waxaana marar badan Madaxweynaha Maraykanka garab siiyay Siyaasiyiin iyo xubno kale oo ku xisbi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here