Dowladda Turkiga ayaa maanta u soo dirtay xeebaha Soomaaliya markabkeeda qodista gunta-dheer ee Cagri Bey dalka, kaas oo wasiirka tamarta Turkigu sheegay in ay tahay hawlgalkii ugu horreeyay ee sahamin badeed oo ay Ankara ka fuliso meel ka baxsan xuduudaheeda badeed.
Talaabadan ayuu ku tilmaamay mid taariikhi ah oo ka turjumaysa dadaallada Turkiga ee sahminta shidaalka iyo gaaska. Alparslan Bayraktar waxa uu sheegay in markabku uu billaabi doono qodista ceelka Curad-1 ee xeebaha Soomaaliya bisha Abriil.
“Markii ugu horreysay markabkeenna qodista badda-dheer wuxuu u ambabaxayaa hawlgal ka baxsan xuduudaheena badeed, ayuu Bayraktar ka sheegay munaasabad ka dhacday dekedda Tasucu ee gobolka koonfureed ee Mersin.
Wasiirka Batroolka dowladda Federaalka Daahir Shire Maxamed oo ku sugnaa munaasabadda lagu sagootinayay markabkan ayaa sheegay, Soomaaliya in ay gaartay xilligii ay la soo bixi laheyd kheyraadkeeda ku jira badda.
“Markabkan maanta u amba baxaya biyaha Soomaaliya, waa rajo, waa mustaqbal, waa ififaale wanaagsan. Maanta waxaan joognaa amba bixinta markabkii shidaalka ka qodi lahaa ceelka uu madaxweyne Xasan Sheikh ugu magac daray Curad1,” ayuu yiri wasiirka tamarta Soomaaliya.
Cagri Bey, oo dhowaan ku biiray raxanta maraakiibta qodista ee Turkiga, ayaa la filayaa inuu gaaro Soomaaliya qiyaastii 45 maalmood gudahood, isagoo ay wehlin doonaan saddex markab dagaal oo badda ah oo uu Turkiga leeyahay.
Turkiga ayaa hiigsanaya inuu gaaro soo saarista 500,000 foosto maalintii oo shidaal ah ama tamar u dhiganta sanadka 2028, sida uu sheegay Bayraktar, isagoo intaa ku daray in Ankara ay rajaynayso inay laban laabto tiradaas iyada oo loo marayo sahamin cusub iyo heshiisyo wadaag-soo-saar ah oo ay dibadda ka gasho.



