Uganda ayaa si rasmi ah u sagootisay ciidamo cusub oo ka tirsan cutubka 12-aad ee ilaalada Qaramada Midooby, kuwaas oo loo dirayo Soomaaliya si ay uga qayb qaataan howlaha taageerada nabadda.
Xafladda sagootinta ayaa ka dhacday Xarunta Tababarka Nabadda iyo Taageerada Caalamiga ah (IPSO-TC) ee Ssingo.
Isagoo la hadlayay ciidamada loo dirayo Soomaaliya, Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Dhulka, Maj Gen Joseph Ssemwanga, ayaa ku boorriyay askarta inay ilaaliyaan anshaxa iyo xirfaddooda ciidan.
“Waxaa laydiin diyaariyay mid ka mid ah howlgalada ugu sharafka badan qaaradda Afrika. Waxaad tihiin wakiillada Uganda. Calanka qaranka ee ku yaalla direyskiinna wuxuu idin xasuusinayaa inaad mataleysaan dalkiinna,” ayuu yiri Maj Gen Ssemwanga.
Maj Gen Ssemwanga wuxuu uga digay ciidamada khatarta kaga imaanaysa kooxda Al-Shabaab.
Wuxuu ku adkeeyay ciidamadan in mabda’a Midnimada Afrika (Pan-Africanism) uu yahay tiirka ay Uganda uga qayb qaadaneyso howlgalka Soomaaliya, wuxuuna ammaanay taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Madaxa Ciidamada Difaaca, doorkooda ku aaddan xoojinta ciidanka iyo kordhinta kaalinta Uganda ee nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Dhawaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU) ayaa si adag u adkeeyay baahida loo qabo in la soo dadajiyo helitaanka ciidamo ku filan Soomaaliya iyo maalgelin waarta oo lagu xoojiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), si loo dardargeliyo la-dagaallanka Al-Shabaab.
Bayaan ka soo baxay kulan heer wasiir oo ka dhacay Addis Ababa ayaa lagu sheegay in si degdeg ah loo helo tiro ciidamo ah oo ku filan hawlgallada ka socda, Soomaaliya isla markaana la xaqiijiyo maalgelin waarta oo la saadaalin karo, isla markaana muddo-dheer ah oo lagu taageerayo AUSSOM.



