Home WARARKA Uganda oo taliye cusub u magacowday ciidanka ilaalada xarumaha Qaramada Midoobay ee...

Uganda oo taliye cusub u magacowday ciidanka ilaalada xarumaha Qaramada Midoobay ee kuyaala xerada Xalane

6
0

Dowladda Uganda ayaa Lt Col Nathan Akankunda u magacowday taliyaha cusub ee ciidanka ilaalada xarumaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kuwaas oo ku dhex yaala xerada Xalane ee Muqdisho, isagoo beddelay Col Peter Barigye oo xilka hayay.

Taliyaha cusub ayaa xilka kula wareegay munaasabad ka dhacday Muqdisho, halkaas oo si rasmi ah loogu wareejiyay taliska cutubka United Nations Guard Unit (UNGU XI), isla markaana loo dhaariyay xilkiisa.

Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Raisedon Zenenga, ayaa sheegay in cutubka baxay ay door muuqata ka qaateen sugidda amniga xarumaha iyo shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho, taasoo sahashay in hay’addu si nabdoon ugu gudato waajibaadkeeda.

Zenenga ayaa xusay in muddadii ay shaqeynayeen aysan dhicin dhacdooyin amni oo waaweyn oo saameeyay xerada Qaramada Midoobay ee Xalane.

Arrintaas ayuu ku tilmaamay mid ka tarjumaysa feejignaanta iyo wada shaqeynta ay la lahaayeen ciidamada howlgalka (AUSSOM).

Taliyaha Ciidamada AUSSOM, Lt Gen Sam Kavuma, ayaa sheegay in cutubkii baxayay ay si buuxda u guteen waajibaadkooda, islamarkaana ay si sharaf leh u mataleen dalka Uganda.

Lt Col Barigye ayaa isaguna sheegay in ciidankiisu ay ku dadaaleen fulinta howlaha loo igmaday intii ay joogeen Soomaaliya.

Dhankiisa, taliyaha cusub Lt Col Akankunda ayaa ballan qaaday in uu sii wadi doono sugidda amniga xarumaha Qaramada Midoobay, isla markaana uu xoojin doono wada shaqeynta kala dhexeysa taliska AUSSOM iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here