Home WARARKA Waa imisa tirada Qaxootiga ajnabiga ah ee ku sugan gudaha Somalia?

Waa imisa tirada Qaxootiga ajnabiga ah ee ku sugan gudaha Somalia?

17
0

Waxaa maanta magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay shir socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo ay isugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Qaxootiga ee dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

Shirkan ayaa looga hadlayay saami-qaybsi goboleedka ee Madasha Taageerada Qaxootiga ee IGAD, xaaladda qaxootiga, kuwa dalkooda ku soo laabtay iyo bulshada la nool qaxootiga.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) ayaa madasha ka jeediyay khudbad miisaan leh oo uu uga warramay xaaladda qaxootiga ee Soomaaliya martigeliso. Wasiirku wuxuu xusay in dalka ay marti u yihiin 45,000 oo qof oo isugu jira Qaxooti iyo Magangelyo-doon ka kala yimid dowlamo kala duwan. Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in in ka badan 243,000 oo Qaxooti Soomaaliyeed ay dib ugu soo laabteen dalkooda, halka tirada Barakacayaasha gudaha Soomaaliya ay tahay 4.1 milyan oo qof.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dhowaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ansixiyay laba sharci oo muhiim ah:

  1. Sharciga Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka,
  2. Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

kuwaas oo uu ku tilmaamay caddeyn muujinaysa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in xal waara looga gaaro arrimaha barakaca, loona fuliyo ballanqaadyadii ku xusnaa Baaqii Nairobi ee Madasha Caalamiga ah ee Arrimaha Qaxootiga.

Ugu dambayn, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay sii xoojin doonto iskaashiga ay la leedahay Urur Goboleedka IGAD iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo helo xal waara oo nidaamsan oo wax looga qabto Barakaca iyo Arrimaha Qaxootiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here