Home WARARKA Wadahadal Taleefan oo Dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Dalka Qatar

Wadahadal Taleefan oo Dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Dalka Qatar

6
0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qadka telfoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Tamim bin Xamad Al Thani, oo ay kaga wada hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya iyo tan gobolka.

Intii uu socday wada-hadalku, labada hoggaamiye waxay ka wada hadleen dadaallada lagu xoojinayo amniga, xasilloonida iyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliyeed sida lagu sheegay bayaan laga soo saaray wada hadalka labadaan Mas’uul.

Amiirka Qatar ayaa mar kale caddeeyay taageerada buuxda ee dalkiisu u hayo hay’adaha dowliga ah ee sharciga ah ee Soomaaliya, isagoo muujiyay sida ay Qatar uga go’an tahay xoojinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo ilaalinta danaha shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiso dalkiisa, isaga oo bogaadiyay kaalinta siyaasadeed iyo tan horumarineed ee ay ka qaadato adkeynta nabadda iyo kobcinta horumarka Soomaaliya.

Sidoo kale, labada dhinac waxay isla soo qaadeen xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo horumarinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here