Home WARARKA Wasiir Fartaag iyo Danjire El Hadji Ibrahima Maxay ka wadahadleen ?

Wasiir Fartaag iyo Danjire El Hadji Ibrahima Maxay ka wadahadleen ?

65
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Wafdiga, oo ay qayb ka ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa la yeeshay Wasiirka kulanka diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, arrimaha amniga, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Intii kulanka uu socday, Ergayga Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoreyneyso deegaannada ay ku dhaamaaleysanayaan Khawaarijta, gaar ahaan howlgallada guuleystay ee lagu xaqiijiyay amniga iyo xasilinta goobihii ugu dambeeyay ee laga saaray Argagixisada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here