Home WARARKA Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland oo kulan laqatay...

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland oo kulan laqatay bulshada Degmada dhobley

231
0
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland ayaa Kulan Wadatashi ah la qaadatay Bulshada Degmada Dhoobley, kaasoo lagaga hadlayay horumarinta adeegyada gaadiidka iyo duulista hawada ee degmada.
Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland, Mudane Maxamed Cabdi Salaad, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Saa’id Cabdullaahi Macallin, maamulka degmada Dhoobley iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, oo si qoto dheer uga dooday arrimaha la xiriira adeegyada gaadiidka, horumarka kaabayaasha, iyo xoojinta wada shaqeynta bulshada iyo wasaaradda.
Kulanka ayaa lagu lafa guray fursadaha iyo caqabadaha jira, waxaana lagu balamay in la sii xoojiyo wada-tashiga iyo iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo bulshada si loo gaaro horumar dhinac kasta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here