Home WARARKA Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland

6
0

Gideon Sa’ar ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxweynaha Somaliland si loo horumariyo iskaashiga siyaasadeed iyo istaraatiijiyadeed ka dib markii Israa’iil ay aqoonsatay madax-banaanideeda, sida ay xaqiijiyeen ilo diblomaasiyadeed oo Somaliland ka tirsan.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Gideon Sa’ar ayaa saaka safar rasmi ah ku yimi magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waana booqashadiisii ​​ugu horreysay tan iyo markii ay Israa’iil aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland, sida ay i24NEWS u sheegeen ilo diblomaasiyadeed oo Somaliland ka tirsan.

Inta uu ku guda jiro booqashadiisa, Sa’ar ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi. Warku waxa uu intaa ku daray in Gelinka dambe ee maanta lagu wado in labadan masuul ay shir jaraa’id ku wada qabtaan xarunta Madaxtooyada.

Ilahan dublamaasiyadeed ayaa sheegay in socdaalkani ujeedadiisu tahay sidii loo horumarin lahaa iskaashi siyaasadeed iyo mid istiraatijiyadeed oo macno leh oo dhex mara Israa’iil iyo Somaliland. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaan wax hadal ah ka soo saarin safarkan.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii u horaysay ee wefti sare oo Israa’iil ahi ku yimaadaan Somaliland tan iyo markii la aqoonsaday madax-banaanideeda, waxaanay muujinaysaa dedaalka lagu xoojinayo xiriirka ka labada dal. Faahfaahinta wada-hadallada iyo heshiis kasta ayaan la xaqiijin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here