Home WARARKA Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha oo Booqanaya ku imaanaya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha oo Booqanaya ku imaanaya Soomaaliya

5
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi ayaa booqasho rasmi ah ku imaanaya Magaalada Muqdisho, waxaa lagu wadaa in uu la kulmo Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu kala hadlayo arrimo dhowr ah.

Wang Yi ayaa usoo socdaalay maanta safar uu ku marayo Dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Tanzania & Lesotho, waxyaabaha uu xoogga saarayo waa iskaashiga Jamhuuriyadda Shiinaha iyo dalalkaas ka dhaxeeya sida hadalka loo dhigay.

Muddada safarkaan uu dalalkaan ku kala marayo waa 7da Janaayo oo maanta ah ilaa 12ka Bishaan sida lagu xusay jadwalka safarkiisa Afrika, Beijing ayaa xoogga saaraysa isbahaysi xooggan oo Qaaraddaan ah maadaama uu xooggaystay tartanka loogu jiro.

Afrika waxaa muddo 36 sano safarro ku tagayay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, ujeedka waa in ay Dowladdooda ogtahay muhiimadda ay u leedahay xiriir ay la samaysato Qaaraddaan.

Wang Yi oo xubin ka ah Xafiiska Siyaasadda ee Guddiga Dhexe ee Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha waxa uu ka qaybgali doonnaa Xaflad lagu daahfurayo Xiriirka Shiinaha iyo Afrika oo lagu qabanayo Xarunta Ururka Midowga Afrika.

Shiinaha waxa uu safka hore uga jiraa dalalka garab istaagay Midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xukuumadda Beijing ayaa cambaaraysay faragelinta dibadda ah ee lagu hayo Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here