Wasiirka Warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland, Cabdifataax Maxamed Mukhtaar, ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo yeeray Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kaas oo sheegay in madaxda Puntland iyo Jubbaland ay ku qasban yihiin inay tagaan Villa Soomaaliya.
Cabdifataax Mukhtaar ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), aysan ku qasbanayn inay aadaan madaxtooyada qaranka si ay ula kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud.
“Deni iyo Axmed Madoobe kuma qasbana inay tagaan Villa Soomaaliya, Waxaan Muqdisho u nimid inaan Soomaaliya badbaadino,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.
Hadalka wasiirka Jubbaland ayaa jawaab u ahaa mid uu warbaahinta siiyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, oo tilmaamay in madaxda labada dowlad-goboleed ay waajib ku tahay inay yimaadaan Villa Soomaaliya, isaga oo sheegay in dalkaan laga xukumo Villa Soomaaliya.
Hadalladan is-dhaafsiga ah ayaa imanaya xilli Labadaan Dowlad Goboleed oo qeyb ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka ba ay u diyaar garoobayaan inay wada hadlaan iyagoo diirada saaraya arrimaha Doorashooyinka iyo Dastuurka.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa taagnaa muranka ku saabsan goobta rasmiga ah ee uu ka furmayo shirka, ilaa iyo haddana si rasmi ah uma cadda goobta madaxda ay ku shiri doonaan.



