Home WARARKA Wasiirka Waxbarashada XFS oo sheegay in dhowaan lasoo dhammaystirayo 10ka kun ee...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo sheegay in dhowaan lasoo dhammaystirayo 10ka kun ee macallin

16
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in dhowaan ay soo dhammaystiri doonnaan tirada ka dhiman 10ka kun ee Macallin ee Horay Wasaaraddu u ballanqaadday.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 22kii Nofeembar 2025 ka qaybgalay maalinta Maalinta Soomaaliyeed oo maalin kahor xiligaas ku beegnayd ayaa sheegay in Wasaaraddu soo dhammaystirto tirada ka dhiman macallimiinta la diiwaangeliyay.

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa tilmaamay in ay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ay ka jawaabi doonto isla markaana ay dhammaystiri doonto waxaana usii dheer tababarro la siinayo.

“Waxa aan dhammeystireynaa qorshaha 10-ka kun ee Macallin, sidoo kale waxa aan tababareynaa dhammaan Macallimiinta hadda shaqeeya, waxa aan xoogga saarnay Manhajka Waxbarashada & Dib u dhiska Iskuullada” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada XFS, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here