Home WARARKA Weriye ka tirsan telefishinka Somali Cable oo Muqdisho lagu xeray

Weriye ka tirsan telefishinka Somali Cable oo Muqdisho lagu xeray

1
0

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa waxay xalay Muqdisho ku xireen Weriye C/xafiid Nuur oo ah weriye ka tirsan telefishinka Somali Cable ee Muqdisho.

Ciidamo hubeysan oo wata gaadiid ayaa la tilmaamay inay degmada Waaberi xalay ku xireen Weriye C/xafiid Nuur iyadoo aan iyo ilaa haatan la ogayn halka ay geeyeeen weriyeha ciidamada dowladda.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda oo ku aaddan xariga Weriye C/xafiid iyadoo arintan ay cambaareeyeen bahda saxaafadda iyo telefishinka Somali Cable oo uu ka tirsanaa.

Waxaa jira culuys badan oo soo wajahay weriyaasha ka howlgala warbaahinta madaxa banaan ee soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here