Home WARARKA Wufuud hordhac u ah Madaxweyneyaasha Puntland & Jubbaland oo Muqdisho kusoo wajahan

Wufuud hordhac u ah Madaxweyneyaasha Puntland & Jubbaland oo Muqdisho kusoo wajahan

3
0

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo wajahan wufuud hordhac u ah Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ka qaybgalaya shirka Dowladda iyo Mucaaradka u dhaxeeya.

wararka qaar ayaa sheegaya in ugu horrayn ay soo hormarayaan ilaalada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni & kuwa Axmed Maxamed Islaam Madoobe waxaana ku xigaya Wasiirro iyo mas’uuliyiinta Madaxtooyada.

Guddiga Farsamo ee Dowladda Federaalka iyo Madasha Mucaaradka ah ayaa ka shiray sidii meel loo wada dhigi lahaa ciidankii dhowaan dib loogu celiyay Magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo inkasta oo aanay jirin xog faahfaahsan oo lasoo bandhigay.

Weli xubnaha Guddiga Farsamo sooma saarin haddii ilaalada Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ay soo wadanayaan ilaalo aan ka badnayn 50 oo 40 kamid ah ay ku hubaysna yihiin hubka fudud & in ay soo dirsanayaan ciidan lamid ah kuwii dhowaan dib loo celiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here