Home WARARKA Xassan Shiikh oo booqasho xasaasi ah ku tagaya Magaalada Laascaanod

Xassan Shiikh oo booqasho xasaasi ah ku tagaya Magaalada Laascaanod

6
0

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinta Khamiista u safri doona magaalada Laascaanood, ee caasimadda gobolka Sool

Wuxuu ka qeyb gali doonaa caleema saarka Madaxweynaha Maamulka cusub ee Woqooyi Bari C/qaadir Firdhiye isaga iyo madax kale oo ka tirsan DF.

Sidoo kale waxaa safarkaas ku wehlinaya Maaxweynaha taliyaha Booliska Asad Diyano, Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumada Somalia iyo masuuliyiin kale.

Socdaalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu qeyb ka yahay adkeynta midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in Magaalada Laascaanood lagu qabto shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dabayaqaayada todobaadkan sida ay sheegayaan warar soo baxaya

Maamulka Puntland ayaa la tilmaamay inuu walaac ka muujinayo safarka madaxda qaranka ay ku tagayaan Laascaanood, iyada oo la sheegay in arrintaasi ay Puntland ka abuurtay hadal-hayn siyaasadeed oo cusub.

Sidoo kale Somaliland oo dhowaan aqoonsi buuq badan dhaliyey ka heshay Israel ayaa, isla markaana sheegata dhulkaas ayaa ka carootay safarkan oo caalamka tusinaya in qeyb ka mid ah dhulkii la isku oran jiray British Somaliland ay ka taliso dowlada Somalia.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here