Xiddiga khadka dhexe ee weerarka RB Leipzig, Xavi Simons, ayaa la filayaa inuu ku biiro kooxda Chelsea, sida uu shaaciyay suxufiga caanka ah ee Nicolo Schira.
Warbixinnada ayaa muujinaya in labada kooxood ay gaareen heshiis buuxa oo ku saabsan iibka 22-jirka reer Netherlands, iyadoo la filayo inuu qalinka ku duugo heshiis dheer oo soconaya ilaa sanadka 2032, iyadoo sidoo kale qandaraaska laga dhigi karo mid kordhaya ilaa 2033.
Xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, Simons wuxuu si weyn u soo jiitay indhaha taageerayaasha iyo kooxaha waaweyn kadib markii uu dhaliyay 13 gool iyo 9 caawin 39 kulan oo uu saftay dhammaan tartamada.
Heshiiskan ayaa qayb ka ah dadaalka Chelsea ay ugu jirto dib u dhiska kooxda, iyadoo horeyba u dhammeystirtay saxiixyo muhiim ah xagaagan.



