Home WARARKA Xukuumadda Soomaaliya oo markii ugu horreysay xaqiijisay imaanshaha Diyaaradaha Dagaalka F-16 ee...

Xukuumadda Soomaaliya oo markii ugu horreysay xaqiijisay imaanshaha Diyaaradaha Dagaalka F-16 ee Turkiga ee Muqdisho

5
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay in diyaaradaha dagaalka ee Turkiga laga leeyahay nooca F-16 la keenay magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu wareejiyay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, inkastoo aysan caddeyn in diyaaradahaasi ay yihiin kuwo ay soo iibsatay ama gargaar ahaan loo siiyay.

Xaqiijintan ayaa timid intii lagu guda jiray xaflad xil wareejinta ee taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, halkaas oo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, uu ka  sheegay in diyaaradahaasi ay door muhiim ah ka qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

“Diyaaradahani waxay ka qeyb qaadan doonaan howlgalada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada,” ayuu yiri Wasiir Fiqi, isaga oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan isticmaalka, maamulka ama awoodda farsamo ee diyaaradaha.

Hadalka Wasiirka ayaa daba socday warar iyo hadal-heyn xooggan oo maalmihii la soo dhaafay ka jiray caasimadda, kaddib markii la sheegay in diyaarado F-16 ah ay soo gaareen Muqdisho, arrintaas oo ku soo beegantay xilli Turkigu sii ballaarinayo saameyntiisa milatari iyo mid istaraatiijiyeed ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibbada amni ee ugu dhow Soomaaliya, isaga oo Muqdisho ka hirgeliyay saldhig milatari oo weyn oo tababar, kana taageera Ciidamada Qaranka dhinacyada tababarka, qalabka, iyo kaabeyaasha amniga, Sidoo kale, labada dal waxay kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo quseeya iskaashiga difaaca, amniga badda iyo tamarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here