Home WARARKA Yay ahaayeen dadkii maanta lagu sheegay in ay codkooda dhiibteen

Yay ahaayeen dadkii maanta lagu sheegay in ay codkooda dhiibteen

11
0

Marin habaabintii lagu sheegay doorasho golaha degmo ee ujeedkeeduna ahaa lacag Dhaqid (money laundering).

Xogaha rasmiga ah ee aan ka helnay dadkii maanta lagu sheegay in ay codeeyeen waxay ahaayeen marka laga soo tago tiro aad u yar oo iskood u codeeyay, waxay ahaayeen 11,000 askari oo Boolis ah, 6,000 shaqaale rayid ah, 3,000 shaqaalaha Gobolka Banaadir ah, 1500 Nabadsugid ah, 1800 Military Boolis ah, 75 qof ticktokers ah.
iyo xoogaa qori lagu keenay sida aad baraha bulshadaba ku aragteen dad waayeello ah ah oo oranaya qori ayaa meeshaan la igu keenay.

Qof kasta oo qaan gaar ah, caqligiisana taam yahay wuu dareensanyahay ujeeddada laga leeyahay waxaan loogu yeeray doorasho,waana in bilaayiintii doolar ee laga qaatay dhulkii tirada badnaa ee sida sharci darada ahayd loo xaraashay, walina uu xaraashkiisa uu socdo in ummadda iyo caalamka lagu dhaho waxaan ku bixinay qabashada doorashada.

Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa si adag u dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay in uu inkiray taariikhda doorashooyinka ka hirgalay qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan Puntland iyo Somaliland.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in madaxweynaha uu ka leexday waajibaadkiisii qaranimo, isaga oo isweydiiyay in xilka uu u dhaartay uusan ahayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu xusay in Madaxweyne Xasan uusan aqoonsan guulaha taariikhiga ah ee ay Somaliland ka gaartay doorashooyinka qof iyo codka ah, isla markaana uu sidoo kale iska indho-tiray doorashooyinkii la midka ahaa ee ka qabsoomay Puntland.

“Khudbaddii madaxweynaha ee xalay waxay ahayd mid muujinaysay farxad iyo faan xad-dhaaf ah,” ayuu yiri Fahad Yaasiin, “balse waxaa la yaab leh inuusan marna xusin Puntland iyo Somaliland oo hirgaliyey doorashooyin buuxiyay shuruudihii sharciyadda iyo ogolaanshaha dadweynaha.”

Fahad ayaa sidoo kale xusuusiyay in xilligii Puntland ay qabanaysay doorashada qof iyo codka ah, Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka digayay islamarkaana ku hanjabayay inay burbur ku dhammaan karto, halka maanta uu si buuxda u dafiraayo taariikhdaas.

Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in nasiib darro uu madaxweynaha ku faanayo doorasho uu ku tilmaamay mid dhinac walba ka dhaawacan, ku dhisan “Qof iyo Qasab,” islamarkaana ka dhacday hal magaalo oo keliya, taas oo aan matali karin rabitaanka guud ee shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here