Warta Siigaale ee Degmada Hodan oo dib u dhis loogu sameeyay mashruuc ka yimid Bangiga Adduunka oo lasoo mariyay Maamulka Gobolka Banaadir si loo xakameeyo biyaha ka dhasha Roobka ayaa saaka ku burburtay roob yar oo ka da’ay Caasimadda.
9kii Bishaan waxaa xarrig jaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, waxa uu xiligaas sheegay in Dhismaha Warta Siigaale uu yahay xalka lagu maarayn karo daadadka Roobka isla markaana xoogga la saaray dib u dhiskeeda.
Muuqaallo laga soo duubay Warta Siigaale oo lasoo geliyay Baraha Bulshada waxaa ka dhex muuqda gidaarrada oo dumaya kaddib markii ay xakamayn waayeen biyaha ku hooraya, waxaana isbaddelay dib u dhiskii lagu sameeyay.
Ma jiro war kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir iyo kan Degmada Hodan, horay sidaan oo kale waxaa u fashilmay Waddooyin uu dhistay Dowladda Hoose oo dhaqaale badan ku baxay, waxaana uu maamulku la kulmay dhaleecaan ka timid BulshadA Caasimadda.





