Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Boosaaso.

0
17

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu magaalada Boosaaso ka bilaabo dhaq dhaqaaqyo culus iyo kulamo looga hadlayo xaalada magaalada.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamay in qorshaha ugu weyn ee Deni iyo booqashadiisa Boosaaso ay la xiriirto dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

 

Deni ayaa dhawaan ku dhawaaqay in gobolka uu bilaabayo olole ciidan oo dhan walba ah kaas oo la doonayo in lagu cirib tiro haraadiga Daacish ee Soomaaliya iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Bari iyo Sanaag.

 

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa tilmaamaya in madaxweynuhu uu hoggaamin doono olole xooggan oo lagula dagaalamayo Daacish si looga sifeeyo meelaha ay kaga dhuumaaleysanayaan buuraha Puntland gaar ahaan buuraha Cal-madaw iyo Cal-Miskaad.

 

Safarka Deni ayaa kusoo aadaya xili magaalada Boosaaso ay ka taagan tahay xiisad xoogan oo u dhaxeysa ciidamada PSF-ta iyo kuwa Puntland, taasi oo ka dhalatay is hor-istaaga garoonka diyaaradaha Boosaaso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here