Home WARARKA Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal beeleed ka dhacay Shabeelaha Dhexe

Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal beeleed ka dhacay Shabeelaha Dhexe

19
0

Dagaal beeleed sababay dhimashada 1 qof iyo dhaawaca in ka badan 2 ruux ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Tuulooyinka Garaash & Moyko oo dhinaca Koofureed uga beegan Magaalada Jowhar Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle.

Dagaalkaan oo ka dhashay Dhul-daaqsimeed, muranka oo dheeraaday kaddib waxa uu sababay gacan ka hadal galaaftay nolosha mid kamid ah dadkii goobta ku sugnaa sida warbaahinta u sheegeen Dad ku sugan Goobta uu Dagaalka ka Dhacay.

Ciidamo katirsan kuwa ilaalada Madaxtooyada Maamulka Hir-Shabeelle, oo kaashanaya Odoyaasha dhaqanka labadaan beel ayaa wadao Daallo si loo helo xabbad-joojin kaddibna looga wada hadlo wixii dhacay iyo qaabka loo xalin karo.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa Gobollada Dalka ka dhacayay Dagaallada Beelaha la xiriira oo sababay dhimasho iyo dhaawac, xiisaddaas ayaa sidoo kale abuurtay cabsi ay muujinayaan dadka ka madaxbannaan dhinacyada dagaalamaya.

Maleeshiyaadka hubaysan ee dagaalamaya ayaa loogu baaqay in ay joojiyaan colaadda ka dhex jirta, waxaana dhowaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida kasoo muuqday Dad ku eedeysay in ay gaysteen falal argagax abuuray oo ka dhashay dilalka aanooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here