Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuwuuqul Insaanla ayaa maanta magaalada Kismaayo si rasmi ah u daah-furay ololaha 16-ka Maalmood ee Ka Hortagga Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka, Caruurta iyo dadka nugul.
Munaasabadda waxaa kasoo qeyb-galay madaxda dowladda Jubaland oo ay horkaceyso Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi, hay’adaha kala duwan ee caalamiga iyo kuwa maxalliga ah, Ururka Haweenka Gobolka, kan Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulashada.
Sanadkaan, waxaan ku soconaa hal-ku-dhigga: “UNITE to End Violence Against All Women & Girls!” – aan ka wada shaqeyno ilaalinta xuquuqda iyo badbaadada dhamaan haweenka iyo gabdhaha.
Wasaaradda Haweenka Jubaland waxay mar kale muujisay hoggaanka ay u hayso difaaca, taageerada iyo badbaadada haweenka, caruurta iyo dadka nugul.






















