Home WARARKA Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka ...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada Shabeelaha Dhexe

20
0

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka billaabay deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Maamulka Hir-Shabeelle gaar ahaan Deegaanka Xawaadley, waxaa ka dhacay weerar duqayn ah oo lagu beegsaday Al-Shabaab sida wararku sheegayaan.

Saraakiil katirsan ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay Warbaahinta in howlgalkooda uu kusii dhowaanay deegaanno dhowr ah oo Al-Shabaab isaga baxeen kaddib markii culays xooggan ay saareen isla markaana duqaymo ku beegsadeen sida hadalka ay u dhigeen.

Ciidamo kooban oo kuwa deegaanka ah ayaa wehliya ciidanka Xoogga Dalka ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab kawada Gobolka Shabeelaha Dhexe, Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in ay gacanta ku dhigto deegaannada gacantooda ka maqan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here