Laba maalin kahor kulan si qarsoodi ah Villa Soomaaliya, ku dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaan Jacfar Abuukar. Kulanka waxaa soo qabanqaabiyay Ganacsade Gallad, oo lagu sheegay inuu madaxweynaha ka iibsaday dhulka Deyniile, lacag gaareysa 27 milyan oo dollar oo cash loo bixiyay,
Kulankan ayaa yimid kadib markii Xildhibaan Jacfar uu dhowaan hadal kulul ka jeediyay Deyniile, isagoo ku eedeeyay in dhulka dadka deegaanka laga qaadayo si sharci-darro ah. Sidoo kalana uu ugu baaqay dadka deyniile inay iska dhiciyaan ganacstada soo weerartay,
Ganacsade Gallad ayaa si toos ah ballanta uga soo qaaday Villa Soomaaliya, waxaana Xildhibaan Jacfar loogu geeyay si dhuumasho ah, iyadoo gaadiidka madaxweynaha lagu dhex geliyay Villa Soomaaliya sida ay sheegeen ilo lagu kalsoonan karo.
Mudo laba saacadood ah ayay Madaxweynaha iyo Xildhibaanku is fahmi waayeen hadalka:
“Mudane Madaxweyne, aniga wax badan oo aan u baahanahay ma jiraan. Hal qof oo Murusade ah ama aniga jufadeyda hoose ah oo aan shaqo uraadinayo ma jiro, qofna xafiiskiisa uma wacin baahidaas .”
Kadib dood dheer, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku yiri xildhibaanka:
“Xildhibaane, Dhulkaas Deyniile ninkaan (Gallad) ayaan siiyay. Adiga uga leexo, waxaad rabtana iisheeg.”
Xildhibaan Jacfar ayaa ku adkeystay inuusan wax u baahnayn, balse waxa uu codsaday in dhulka aan dadka looga qaadin wax ka badan qiimihii lagu bixiyay xaafadda Soonakey ee Hodan oo ah $8,000 loogu sharciyeeyay dadka, sidoo kalana waxa uu xusay Deyniile ay bixiyaan $5,000–$6,000 kabadan inaanu dadka awoodin hadii loo sharciyeenayo, wuxuusa diiday xildhibaanka inaanu suurtagal noqon Karin qorshaha Ganacsade Gallad uu ku doonayo in booskiiba looga iibiyo $15,000–$20,000. Meesha Wadajir, Hodan iyo howlwadaag inta loogu sharciyeey hodan waa inay ka yaraataa Deyniile sida caqliga ah,
Laba saacadood kadib Gallad oo dareemaya culeys dhaqaale ku tahay gorgortan kan ayaa soo galay dooda, isagoona madaxweynaha u sheegay in Xildhibaan Jacfar lagu qanciyo in la siiyo Immigration-ka Soomaaliya, si uu uga tanaasulo dooda dhulka dayniile iyo qiimaha uu doonayo in looga iibsado,
Inkastoo madaxweynaha iyo saxiibkiis Gallad isku deyeen qancinta xildhibaanka, hadana xogta waxa ay sheegeysa in Xil. Jacfar uu ku adkeystay inuusan miisaankiisa siyaasadeed ku beddelan karin dhul ay beeshiisa ku barakacdo ama lagu fadeexeeyo xilli kala-guur ah. Kulanku wuxuu ku dhammaaday in “markale la iskugu yimaado”. Waxa uuna u safray xildhibaanka Magaalada Nairobi ee dalka kenya,
Gallad oo aad uga xumaaday in heshiiskii uu rabo uusan ka soo bixin kulankaas ayaa madaxweynaha ka codsaday in xal degdeg ah loo helo, maadaama uu dhulka ku bixiyay lacag badan.
Lacagta Gallad uu sheegay inuu ku bixiyay waxaa ka mid ah:
• Booskiiba: $4,000-Calaa Boos Villa Somalia
• Muungaab: $2,000-Calaa Boos
• Macallin Mahdi: $1,000-Calaa Boos howlgal
• Ciidankii burburinta:$1,000 qorsheen Askar
Ganacsadaha qasaare xoogan ayuu dareemayaa oo Qorshihiisii ahaa in boos kasta lagu iibiyo $15,000+ nuxurkaasi waa dhintay, waxaana hor taagan Xildhibaan Jacfar oo ku doodaya qiimaha ugu hooseeya halooga iibiyo, waxaasa kasii faa’iiday dadka deegaanka oo khilaafkaan uga dhigeysa midaan lasoo haweesan,.
Gallad wuxuu raadinayaa xal aan xoog loo isticmaalin. Dhanka kale, xildhibaanka iyo beesha Murusade waxay sheegayaan inay diyaarsadeen xal aan baryo ahayn,



