Guddiga Qaranka ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada ee Soomaaliya ayaa liiska cunaqabataynta maaliyadeed ku daray 10 qof oo uu ku tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.
Dadka magacyadooda la shaaciyey waxaa ku jira madaxweynihii hore ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), taliyihii hore ee ciidanka asluubta Soomaaliya, Gen. Mahad Shubka.
Go’aanka oo maanta soo baxay ayaa dhigaya in la xayiro hantida dadka liiska lagu daray, laga mamnuuco macaamillada maaliyadeed ee lala sameeyo, isla markaana Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee Soomaaliya (FRC) lagu wargeliyo dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee lala xiriiriyo.
Guddigu wuxuu sheegay in tallaabada ay salka ku hayso xog iyo caddeymo uu qiimeeyey oo la xiriira tuhunno ku saabsan taageerada maaliyadeed ee Al-Shabaab. Hase yeeshee, dukumentiga la soo bandhigay ma faahfaahin caddeymaha gaarka ah ee qof kasta lagu saleeyey go’aanka.
Laftagareen ayaa markii ugu horreysay hoggaanka Koonfur Galbeed loo doortay sannadkii 2018, wuxuuna xilka hayey illaa dhammaadkii Maarso 2026, markaas oo ay Dowladda Federalka talada si xoog ah talada ugala wareegtay, iyadoo Koonfur Galbeed ka dhistay maamul cusub.
Madaxweyne Lafta Gareen ayaa tan iyo intii laga tuuray xukunka wuxuu duullaan ku ahaa magaalada Baydhabo, isagoo qaaday illaa afar jeer oo weerraro ah oo dhaliyay khasaare xooggan. Ciidankiisa daacadda u ah wax ay haatan ku sugan yihiin duleedka magaalada Baydhabo.
Sida ku cad dukumentiga, hay’adaha maaliyadeed iyo dhinacyada kale ee ay khuseyso sharciga waxaa laga mamnuucay inay macaamillo la sameeyaan dadka liiska ku jira. Waxaa sidoo kale waajib ku ah inay xayiraan hantida ay leeyihiin, isla markaana Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee Soomaaliya (FRC) u gudbiyaan warbixinno degdeg ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee lala xiriiriyo.
Guddigu wuxuu intaas ku daray in xiriir kasta oo dhaqaale ama fududeyn maaliyadeed oo loo sameeyo dadka liiska ku jira uu mamnuuc yahay, iyadoo cid kasta oo jebisa go’aanka lala tiigsan karo sharciga.
Magacyada liiska
1· Abdiaziz Hassan Mohamed “Laftagareen”
2· Hassan Abdulkadir Mohamed
3· Mahad Abdirahman Adan “Shub”
4· Ibraahim Aadan Cali “Najah”
5· Hassan Abdi Mohamed “Ugaas Hassan”
6· Cabdullaahi Cali Watiin
7· Abdifatah Mahad Abdirahman
8· Abdimajid Mowlid Hassan
9· Amiin Mad Daruur
10· Abshir Aadan Isaaq.



