Madaxweyne Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu dhawaan u safro dalka Qadar, halkaasi oo uu uga qeyb galayo shir caalami ah.
Sida qorshaha yahay Madaxweynaha ayaa goobjoog noqon doona madasha Dooxa Forum oo qabsoomeysa inta u dhaxeysa 6 ilaa 7 bishaan December.
Madaxweynaha ayaa halkaasi ka jeedin doona khudbad looga hadlayo xaaladda guud ee dalka gaar ahaan horumarka laga gaarey arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.



