Home WARARKA Maraykanka oo xaqiijiyay in la xiray 5 qof oo Soomaali ah

Maraykanka oo xaqiijiyay in la xiray 5 qof oo Soomaali ah

21
0

War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in la xiray 12 qof oo ajaanib ah oo ay ku jiraan 5 qof oo Soomaali ah isla markaana ay ku wareejiyeen Laanta socdaalka ee ICE oo haatan xabsi ku haysa.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, waxa uu si toos ah u billowday 1dii Bishaan December, waxaa socda howlgallo kale oo weli lagu raadjoogo dad kale sida lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Amniga gudaha Maraykanka.

War hordhac ah oo laga soosaaray Dadkaan la qabtay ayaa lagu sheegay in ay kamid ahaayeen Soomaalidii kasoo boodday gidaarka ee sida tahriibka ah u gashay Dalka Maraykanka sida lagu xusay bayaankaan sida hordhaca ah loo shaaciyay.

Lama sheegin Magacyada Dadka la qabtay, sidoo kale lama faafin Sawirradooda & Xogtooda maadaama ay gacanta ugu jiraan ciidamada Booliiska ah ee la shaqeeya Waaxda Socdaalka ee Dalka Maraykanka sida hadalka loo dhigay.

Soomaalida la xiray waxaa wehliya Ajaanib kale oo u dhalatay Dalalka Mexico & El Salvador waxaana ay wajahayaan eed la xiriirta inay si sharci darro ah ku galeen Dalka Maraykanka kuna joogeen Dalkaas sida warka loo dhigay.

Maamullada Magaalooyinka Mataanaha ah ee Minneapolis & Saint Paul ayaa si cad uga hor yimid howlgallada culus ee lagu raafayo Soomaalida ku nool Magaalooyinkaan, iyaga oo ku sifeeyay in Bulsho wanaagsan yihiin, waxa ay Trump ku eedeeyeen in uu kicinayo Dadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here