Safaaradaha Mareykanka iyo Boqortooyada Midowday ee UK ayaa saacadihii ugu dambeeyay xiriir la sameeyay dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya, iyagoo wada dadaallo lagu doonayo in dib loo bilaabo wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka.
Xogaha laga helayo dadaalladan ayaa sheegaya in labada safaaradood ay la xiriireen Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaanka mucaaradka, iyagoo dhinacyada gaarsiiyay hindise cusub oo lagu doonayo in la isugu keeno miiska wada-hadalka, si looga arrinsado xaaladaha doorashooyinka, amniga iyo siyaasadda dalka.
Sida xoguhu tilmaamayaan, Mareykanka iyo UK ayaa riixaya qorshe dhigaya in bilowga bisha December la qabto kulan ay isugu yimaadaan dhinacyada siyaasadda, kaas oo looga gol leeyahay in xal looga gaaro khilaafaadka taagan, laguna gaaro is-afgarad ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Hindisahan ayaa la sheegay inuu soo dhaweeyay qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka iyo dhinacyada dowladda, hase yeeshee weli waxaa la sugayaa mowqifka maamulada Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo muhiim u ah hirgelinta qorshaha.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Uganda ayaa xiriir la sameysay madaxda Puntland iyo Jubaland, iyadoo u sheegtay inay diyaar u tahay in wafdi ka socda dowladda Uganda uu booqasho ku yimaado magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo.
Sida laga soo xigtay Madaxtooyada Puntland, labada maamul ayaa doonaya inay wafdi u diraan magaalada Kampala, si ay ula kulmaan madaxda Uganda, ugana codsadaan Madaxweyne Yoweri Museveni inuu dhexdhexaadiyo dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, isla markaana dalkiisa ku martigeliyo wada-hadallada.
Abaabulka shir siyaasadeed oo ay ka qeyb galaan dowladda, mucaaradka iyo maamulada dalka ayaa si weyn uga socda ergooyinka diblomaasiyadeed ee Beesha Caalamka ka jooga Soomaaliya, kuwaas oo doonaya in la helo hannaan wada-hadal oo lagu xalliyo khilaafaadka jira.
Ilaa hadda lama shaacin taariikh rasmi ah oo shirkan la qabanayo, waxaana weli la sugayaa jawaabaha Puntland iyo Jubaland iyo sida ay dhinacyada kale uga falceliyaan hindisayaasha socda.



