Kooxo hubeysan oo magaalada Baydhabo ku dilay oday dhaqameed.

0
11

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa caawa fiidkii magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ku dilay Nabadoon Yacquub Xasan Xaaji oo ahaa nabadoon caan ah.

Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda Bardaale, iyadoo kooxihii dilka geystay ay goobta isaga baxsadeen ka hor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidamada ammaanka.

Maamulka deegaanka ayaa sameeyay howlgalo deg deg ah, waxaana lagu soo qab qabtay dad badan oo lala xiriirinayo dilka, inkastoo aysan jirin cid weli sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Qoyska odayga la dilay ayaa ugu baaqay maamulka Koonfur Galbeed in ay baaritaan ku sameeyaan dilkaasi, islamarkaana cadaalada la horkeeno kuwii ka dambeeyay. Aaska Yacquub Xasan Xaaji ayaa la filayaa in maanta uu ka dhaco magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here