Home WARARKA Ciidanka Danab oo Howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Hoose kusoo qabtay Xubno...

Ciidanka Danab oo Howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Hoose kusoo qabtay Xubno Ka Tirsan Al-shabaab

18
0

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorshaysan oo amni ka fuliyay deegaanka Towfiiq ee hoos taga Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday kooxo ka tirsan Al shabaab oo ay sheegeen in ay ku lug lahaayeen dhibaateynta bulshada deegaanka.

War ay soo saartay wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, Howlgalkan oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan Danab ayaa kusoo dhammaaday guul sida ay sheegteen, waxaana gacanta lagu soo dhigay laba xubnood oo Al-shabaab ah oo lagu tuhunsan yahay inay ku jireen hawlaha baadda, cabsi-gelinta iyo dhibaataynta shacabka.

Warka waxa uu intaa ku daray in Mid ka mid ah xubnaha la qabtay oo lagu magacaabo Sakariye ay baaritaan kadib lagu ogaaday inuu yahay wiilka Macallin Cabdiraxmaan, oo ka mid ah horjoogayaasha Al-shabaab oo ay weli ay ciidamadu raadinayaan.

Intaa waxaa sii dheer, ciidamada Danab ayaa shaaca ka qaaday in ay ku guuleysteen inay qabtaan mooto ay Al shabaab u adeegsanayeen dhaqdhaqaaqa amni-xumada, hub iyo agab kale oo la rumeysan yahay in lagu fulin lahaa falal argagixiso oo ka dhan ah dadka shacabka ah.

Ugu dambeeyn Bayaanka wasaaradda waxaa lagu xusay in Saraakiisha milatariga Soomaaliya ay sii wadi doonaan dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxda Al-shabaab, loona xoojinayo amniga iyo nabadgelyada shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here